Hot Topics

Mareykanka oo fariin culus u diray Dowladda Soomaaliya

Shirkii Qaramada Midoobaya ee Maanta lagu qabtay Magaalada New York ee uu ka qeyb galay Madaxweynaha Soomaliya ayaa waxaa fariin adag ka soo jeediyey Safiir ku-xigeenka Mareykanka ee Qaramada Midoobay.

“An inclusive discussion of the National Consultative Council proposals on the constitution and elections is critical to ensuring such changes have broad popular support”.

Taas oo macnaheedu yahay in kulamada la wada ay ahaadaan kuwo loo dhan yahay oo laga wada qeyb galo. Haddii kale wax ka beddelka Dastuurka iyo Doorashooyinku ay noqon doonaan kuwa aan loo dhameyn oo aan miro dhal noqon doonin. Beesha caalamkuna ay ka gows qabsan doonto.

Waxaa cad in shirarkii Madasha gaar ahaan kii ugu dambeeyey uusan helin taageerada Beesha Caalamka.