Hot Topics

Qaramada Midoobey oo mudnaanta horumarka Somaliya siisay Doorashada Puntlanda

Ergeyga QM,ayaa Golaha Ammaanka u sheegtay in Soomaaliya ay horumar la taaban karo ka samaysay horumarinta arrimaha muhiimka ah ee qaranka, oo ay ka mid yihiin..

1.Qabashada doorasho qof iyo cod ah oo ka dhacday Puntland.

2.Magacaabista Guddiga madaxa bannaan ee dib u eegista dastuurka.

3.Meel marinta 11 sharci.

In Doorashada Qof iyo Cod ee lagu daro guulaha Qaran ee Somaliya ay gaartay,waxay PL iyo Madaxweynaheeda utahay guul weyn.

M.Xasan waxuu garan waayay in Doorashadaas ay isaga waxqabad iyo magac utahay,taa badalkeeda,waxuu ka muujiyay cadaawad.

Balse QM,ayaa doorkaa buuxisay oo diiwaangelisay.

PL markale,ayaa loo diiwaangeliyay in ay Fadaraalka kadib dalka horseed ugu noqotay nidaam kale oo Dowladeed.

Jibril Qoobey.