Hot Topics

Goormaa laga qaadayaa Cunaqabataynta Hubka Somaliya?

Somaliya,waxaa cunaqabataynta Hubka laga qaadayaa ugu danbayn Nov Sanadkan.

Hubka loo fasaxayo waa noocee?

Taangiyada kuma jiraan.
Diyaaradaha kuma jiraan.
Madaafiicda qaar kuma jiraan.

Yay Hubka ka keensan kartaa?

Dowlad walba Somaliya Hub kama keensan karto,waxaana loo cayimay dhawr Wadan oo kala ah…

1.Maraykanka.
2.Shiinaha.
3.Masar.
4.Turkiga.

Ka hor Nov?

Waxaa la rabaa in Somalidu ka heshiiso arimaha Farsamada oo Dowlada Dhexe iyo DG gaaraan heshiis ku saabsan Hubka.

Somaliland iyo cunaqabataynta?

Waa laga diiday qorshe gaar ah oo ay wadatay,kaasoo ahaa in si gaar ah loogu sameeyo wax gaar ah.

Yaa ka danbeeya qaadista Cunaqabataynta?

Maraykanka,ayaa hawshan gadaal ka riixaya oo raba in la qaado Cunaqabataynta,isagoo dantiisu tahay Shidaalka Somaliya.

Itoobiya iyo Kenya?

Dowladahan waxay aad ugu doodeen in Dowlada Somaliya aysan masuul ahayn,sidaa daraadeed hadii la qaadayo cunaqabataynta laga reebo Diyaaradaha iyo Taangiyada,waana laga yeelay.

Jibril Qoobey.