Hot Topics

Putin oo qarka usaaran in Ciidamada Wagner inqilaabaan

Xaalada Caasimada Ruushka ee Moscow,ayaa gashay hubanti la’aan kadib hanjabaadii hogaamiyaha Ciidamada Wagner.

Dowlada Ruushka,ayaa hogaamiyaha ku furtay Maxkamad danbiyo dagaal ah,waxaana loo soo jeediyay in uu iscasilo.

Taa badalkeeda,waxuu dhankiisa uga dhawaaqay dagaal ka dhan ah Dowlada Putin.

Hogaamiyahan,waxuu xukumaa 200-300-kun oo Askari oo hawlgab ka noqday Ciidamada Ruushka lehna khibrad sare.

Isku dhaca hogaamiyaha Wagner iyo Putin,waxaa xoguhu sheegayaan in ay ka danbeeyaan reer Galbeedku oo uu yahay qorshe lagu inqilaabayo Putin.

Reer Galbeedku waxay ku dadaalayaan in uusan qabsoomin Shirka Koonfur Afrika ee Wadamada raba in ay ka guuraan Dolar-ku ay ku kulmayaan.

Waa dagaal Siyaasadeed,dhaqaale,Awoodeed iyo loolanka hogaaminta caalamka ku salaysan.

Jibril Qoobey.