Hot Topics

Baarlamaanka oo Cod aqlabiyad leh ku meelmariyeen wax-ka-bedelka Xeerka hawlgabka & Liiltirka shaqaalaha rayidka

Garoowe: June 24, 2023: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Cabdirashid Yusuf Jibril Cawl oo ay weheliyaan Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Mudane, Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan iyo Guddoomiye ku xigeenka 2-aad Mudane, Ismaaciil Maxamed Warsame, ayaa maanta Shir-guddoomiyey fadhiga 8-aad ee Kalfadhiga 52-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.

Fadhiga maanta ayaa qorshe hawleedku ahaa ka shaqeynta Wax-ka-bedelka Xeerka Hawlgabka & Liiltirka shaqaalaha rayidka Dawladda Puntland.

Fadhiga waxaa goob-joog ka ahaa 46 Mudane,

Ugu horeyn Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ayaa hadalka siiyey Guddiga Arrimaha Bulshada, Dhaqanka, Warfaafinta iyo Isgaarsiinta Golaha Wakiillada kaas oo akhriska 2aad ku sameeyay, kadib la tashiyo uu la yeeshay dhammaan dhinacyada xeerka saameynta ku leeyahay.

Akhrinta 3aad ee xeerka kadib waxaa Goluhu uu guda galay qodob-qodob uga doodista & wax-ka-bedelkiisa.

Wax-ka-bedelka Xeerka Hawlgabka & Liiltirka shaqaalaha rayidka Dawladda Puntland ayaa si faah-faahsan uga hadlaya nidaaminta xuquuqda hawl-gabka iyo Liiltirka shaqaalaha Dawladda, xaqsiinta shaqaalaha, ilaalinta dakhliga hawlgabyaasha, naafada iyo qoysaskooda.

Xeerka ayaa sameyn ku laheyn dhammaan Xubnaha Golaha Wakiillada, xubnaha Golaha Xukumadda, Xubnaha Garsoorka, Ciidamada qalabka sida, Shaqaalaha ka hawlgala shirkadaha ganacsi ee Dawladda, Bangiyadda Dawladda, shaqaalaha aan joogtada ahayn, qandaraasleyaasha Dawladda, kuwaas oo shaqeeya wakhti xadidan oo aan lagu magacaabin sharciga magacaabidda shaqaalaha Dawladda, Shaqaalaha ganacsiyada gaarka loo leeyahay iyo shaqaalaha Dawladaha hoose.

Dooda ayaa soo socotay illaa Kalfadhigii 51-aad, waxaana tallo ku biiriyey Guddiga Culimadda Puntland.

Intaa kadib, Xildhibaanada Golaha Wakiillada Dawladda Puntland, waxay maanta Cod aqlabiyad leh ku meelmariyeen Ansixinta Wax-ka-bedelka Xeerka Hawlgabka & Liiltirka shaqaalaha rayidka Dawladda Puntland, Waxaa Oggol ugu codeeyay 42 mudane, cid diiday ma jirtin, halka ay ka aamuseen 4 mudane.

DHAMMAAD

Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta
Golaha Wakiillada Dawladad Puntland