Hot Topics

Maxaa udanbeeyay 24-kii Saac Ee lasoo dhaafay Puntland?

Khadar Faroole iyo Laba kale oo Aaran-shaydaan ah,ayaa tagey Hargaysa kulana kulmay Muuse Biixi..

“LC gal,Anagaa Garowe mashquulinayna,taa badalkeeda nagu taageer hawlgalka iyo doorashada,markaan guulaysano adoo qabtay LC,waxaan Ciidanka gayn doonaa Ganbadhe”.Ayay ku sheekaysteen.

Garowe?

Cali Xaaji,Shaacuur iyo Cismaan Xoosh (Muna Key),ayaa abaabulaya waxay ugu yeereen Qado Cumar Maxamuud oo looga soo horjeedo Dimuqraadiyada.

Balse dareenka Bulshada ee Beeshu,waxuu la jiraa Dimuqraadiyada,wax kasta oo ay ku hadlaan ama soo saaraana macno kuma dhex leh.

Garowe?

Baaqii isku imaatinka Isimada ayay ubadan tahay in uu Garowe ku qabsoomo,waxaana dhawaan soo gaari doona Islaan Bashiir,Boqor Burhaan iyo Ugaas Xasan.

Garowe?

Aaran-shaydaan waxay qaaraan dhaqaale iyo mid Ciidan waydiisteen Beelaha iyo Ganacsatada,waase ku hungoobeen,waxayna heleen 50-Nin oo Maleeshiya ah iyo $50-kun oo qaybna qaaraan tahay,qaybna dayn.

Jimcaale,ayaa markii hore haystay 70-Nin,inkastoo 410-Nin uu ku Mushahaar qaadan jiray,waxaana soo gaaray khasaare weyn..

18 laga qabtay.
9-ka Geeriyootay.
22-ka dhaawacantay.

Waxaa kaloo ku yar Rasaasta oo wax ka badan Hal Saac oo dagaal ah ma geli karo,waxuuna ka dalbaday Gaalkacyo iyo Suuqa Iibka,waxaase caqabad ku noqday..

B.Qiimaha oo lagu qaaliyeeyay.

T.Halka loosoo marinayo oo Wadada kaliya ee ufuran waa Jariiban,kadib Tuulo Samakaab.

Garowe?

Dowladu amniga gudaha Caasimada si weyn oo xirfadaysan,ayaa loo adkeeyay,waxaana la badali doona Talyaha Qaybta Xuseyn,iyadoo lagu badali doono Sarkaal Qoys ahaan uga mid ahaan jiray Ciidanka Jimcaale.

Jibril Qoobey.