Hot Topics

MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY AGAASIMAHA GUUD EE WASAARADDA GARGAARKA IYO MAAREYNTA MASIIBOOYINKA.

Garoowe: 25 June 2023: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 38 ee 24-ka Juun, 2023, kuna saabsan magacaabid Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka.

Madaxweynaha Dowladda Puntland

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad.

Markuu arkay: Baahida loo qabo dar-dar gelinta Hay’adaha kala duwan ee Dowladda Puntland

Markuu arkay: Aqoontooda, kartidooda iyo waayo-aragnimadooda shaqo.

Wuxuu xeeriyey:

1. Waxaa Axmed Naxar Siciid Aw-nuur loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka.

2. Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, Wuuna saxiixay.

DHAMMAAD
XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.