Hot Topics

Alshabaab Qarax ku dilay Xoghayihii Degmada Ruun-Nirgood

Kooxda Al-Shabaab,ayaa saaka Qarax miino kula eegtay Deegaanka Daaru-Nimca oo hoostaga Degmada Ruun-Nirgood Xoghayihii Degmada Abuurkar Jawiin Caddow.

Qaraxa,ayaa waxaa ku geeriyooday Xoghaye Abuukar iyo Darawalkiisii.

Maalin ka hor ayay ahayd markii Shabaab ay sheegteen in ay la wareegeen Gacan ku haynta Deegaanka Daaru-Nimca.

Dowlada Fadaraalka,ayaa horay ushaacisay in Degmada Ruun-Nirgood iyo Deegaamadeeda ay ka sifaysay Shabaab.