Hot Topics

Mowqifka Dowlada Puntland Ee arrimaha deyn cafinta Somaliya

Puntland waxay ka digaysaa in aan lagu deg-degin dayntaas ilaa Somaliya yeelato Nidaam Maaliyadeed oo hufan.

Hadii kale koox gaara oo dhaqaale doona ayay gacanta ugalaysaa daynta cusub ee la raadinayo marka la cafiyo midii hore.

Musuq maasuq,ayaan la dagaalamayaada uu wado Xasan Sheikh waa Jilliin iyo Istus-tus.
Sida hada laga arkayo ololaha soo qaqabashada xubnaha dowladda federaalka Soomaaliya ee lagu soo eedeynayo musuq maasuq, waa ficilo lagu marin habaabinayo bulshada soomaaliyeed iyo beesha caalamka, iyadoo Xasan Sheekh Maxamuud qudhiisu ku lug leeyahay eedeymo musuq maasuq ee hore iyo kuwa hadda jira.

Sidoo kale, Wasiirka Wasaarada Maaliyadda Puntland, oo waraysi siiyay BBCSomali, ayaa cadeeyay mowqifka arrimaha dayn-cafinta Soomaliya, isagoo ka digay in lagu deg dego waxa ka dhalan kara hanaanka maamulka maaliyadda Soomaaliya ee baal marsan heshiiska wadar ogolka ah.

Si lamid ah Puntland waxay xasuusinaysaa madaxda dowladda federaalka Soomaaliya inay ixtiraamaan, kuna dhaqmaan dastuurka ku-meel gaarka ah ee lagu heshiiyey.

Jibril Qoobey.