Hot Topics

Atmis oo Somaliya ka saartay tiro kale oo ka mid ah Ciidankeeda

Hawlgalka Ciidamada Midowga Afrika ee Atmis Somaliya,ayaa shaaciyay in ay kala baxeen Laba kun oo Askari oo ka mid ah Ciidamada Nabad ilaalinta Somaliya.

30-kii Jun oo shalay ku aadanayd ayay Ciidamadaas 2000- Askari ah ka baxeen Somaliya.

Sidoo kale 30-ka Sep iyo 30-ka Dec ee isla Sanadkan min 2000-Askari oo kale,ayaa laga saarayaa Somaliya.

Guud ahaan Sanadkan,waxaa qorshaysan in Ciidamo gaaraya 6000-Askari oo ka mid ah 19000-Askari ee hawlgalka Atmis laga saaro Somaliya.

Saldhigyada ay banneeyeen Ciidamada Atmis,ayaa lagu wareejiyay kuwo ay diyaarisay Dowlada Dhexe ee Somaliya.