Hot Topics

Mudo kordhin loo sameeyay hawlgalka Midowga Afrika Ee Somaliya

Waxaa mudo kordhin loo sameeyay wakhtiga Ciidamada Atmis kasii shaqayn karaan Somaliya.

Mudo 6-bilood ah oo ka bilaabanaysa 30-ka Jun ilaa 30-ka Dec ee 2023,ayaa la kordhiyay wakhtiga hawlgalka Midowga Afrika ee Somaliya.

Sida la filayo hadaan wax isbadalin ,waxaa qorshaysan in Dec 2024 lasoo afmeero hawlgalka Atmis ee Somaliya.

Ku dhawaad 20-ka Kun ee Ciidamada Atmis,ayaa laga saarayaa Somaliya sida la qorsheeyay,iyadoo la rabo in lagu badalo Ciidamo Somaliyed oo BC taageerto.