Hot Topics

Golaha Wasiirada Puntland oo ansixiyay Xeerar muhiim ah

Garoowe : 03 July 2023: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta Shir-Guddoomiyey Shirka Golaha Wasiirada ee todobaadlaha ah oo todobaadkan looga hadlay Amniga, Warbixinta dhacdooyinka todobaadka, Ansixinta Lix Xeer oo isugu jira kuwo wax ka bedel lagu sameeyay iyo Kuwa cusub.

Xeerarka uu Goluhu ansixiyey waxaa ay kala yihiin: –

1. Xeerka Maamulka Maaliyadda
2. Xeerka Maamulka Dakhliga
3. Xeerka Dakhliga Cashuuraha Berriga
4. Wax-ka-bedelka Xeerka Bangiga
5. Wax-ka-bedelka Xeerka Ilaalinta iyo Maareynta Deegaanka
6. Wax-ka-bedelka Xeerka Sahminta saamaynta deegaanka iyo Bulshada.

Golaha Wasiirada ayaa si aqlabiyad ah u ansixiyey Xeerarkan oo ay soo gudbiyeen Wasaaradaha ku shaqo leh, waxaana loo gudbinaya Golaha Wakiillada Dowladda Puntland.

DHAMMAAD

XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.