Hot Topics

Xisaab xirka Miisaaniyada Dowlada PL oo loo qaybiyay Baarlamaanka

GAROOWE- Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Cabdirashid Yusuf Jibril Cawl oo ay weheliyaan Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Mudane, Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan iyo Guddoomiye ku xigeenka 2-aad Mudane, Ismaaciil Maxamed Warsame, ayaa maanta Shir-guddoomiyey fadhiga 10-aad ee Kalfadhiga 52-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.

Fadhiga maanta Ajandaha ayaa ahaa qeybinta Xisaab-xirka Miisaaniyadda Dawladda ee sannadka 2022, sida uu qabo Dastuurka Dawladda Puntland Qodobadiisa 64-aad iyo 137-aad.

Golaha waxaa warbixinta Xisaab xirka sannad maaliyadeedka 2022 ka horjeediyay Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Mudane Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Mudane Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad fadhigan Golaha waxaa ku weheliyey Wasiirku xigeenka Maaliyadda Mudane Cumar Xasan Fiqi, Wasiirku xigeenka dakhliga Wasaaradda Maaliyadda Mudane Cali Cumar Caarshe iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Wasaaradda Maaliyadda.

Wasiir Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad. ayaa sheegay in ku talagalka kharashka gudaha ee Miisaaniyadda sannadka 2022 uu ahaa $106,039,035 dollar, halka kharashka dhab ahaan la galay uu noqday $92,825,283.40 dollar taas oo ah inaan la bixin kharash ku talagalkiisu ahaa $13,213,751.60 dollar oo u dhiganta % 12.5

Intaa kadib, waxaa Xisaab-xirka Miisaaniyadda sannadka 2022 lagu wareejiyey Guddiga Dhaqaalaha iyo Xisaabaadka Golaha Wakiillada Dawladda Puntland, waxay dib Golaha ugu soo celin doonaa maalinta Isniinta oo taariikhdu ku beegan tahay 10 July, 2023.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta Iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland