Hot Topics

Dowlada Somaliya waxay wajahaysaa Miisaaniyad la’aan

Dowlada Somaliya waxay wajahaysaa Miisaaniyad la’aan Sanadkan dhammaadkiisa,waxii ka danbeeya.

Dowlada Dhexe,waxay ku guuldarraysatay in ay gudaha Waddanka kasoo saarto dhaqaale wanaagsan,sababo jira awgood…

1.Waxay hirgelin wayday Siyaasada Midaynta Canshuuraha Fadaraalka.

2.Waxay midayn wayday Dakhliga gudaha kasoo xarooda.

Sidoo kale waxay ku guuldarraysatay Dowlada Dhexe in ay buuxiso Shuruudihii ay ku heli lahayd Dayn dibada ah…

B.Waxay midayn wayday Siyaasada gudaha Wadanka oo muhiim u ah aaminaada dibadda.

T.Waxay muujin wayday hufnaan iyo la dagaallan musuq oo lagu kalsoonaan karo.

J.Waxay sii wadi wayday isku dheelli tirka Miisaaniyada.

Sep Sanadkan,waa Bisha loo qabtay in Somaliya ay soo buuxiso Shuruudaha si loogu gudbo qorshaha loogu aqoonsanayo Waddan isku filan oo Dayn qaadan kara,taasna ma muuqato ifafaalihii ay ku hirgeli lahayd.

Rajada?

Waa Laba Qodob rajada jirta,kuwaasoo kala ah..

B.In mudo kordhin gaaraysa 6-bilood loo sameeyo Barnaamijkan.

2.In gar-gaarkii loo sii wado Somaliya,ayna sii ahaato Dal aan isku filnayn.

3.In Baanka Adduunka oo kaashanaya Waddamada Sacuudiga iyo Kuweyt ay Somaliya siiyaan muddo dhowr bilood ah Miisaaniyad Bille ah.

Jibril Qoobey.