Hot Topics

Hogaamiyihii Wagner oo la ogaaday in uu ku sugan yahay Ruushka

Yevgeny Prigozhin oo ah madaxa kooxda calooshood u shaqeystayaasha ah ee Wagner oo hoggaaminayay kacdoonkii ciidan ee muddo kooban ka jiray bishii hore Ruushka – ayaa ku sugan gudaha Ruushka, sida uu sheegay hoggaamiyaha, mudada dheer ee Belarus Alexander Lukashenko.

Meesha uu ku sugan yahay Prigozhin ayaa ahayd qarsoodi tan iyo markii lagu arkay koonfurta Ruushka intii uu socday kacdoonku.

Sida uu dhigayo heshiis lagu soo afjarayo amar diidada, ayaa dhigayay in eedeymaha ka dhanka ah Prigozhin la laalo, loona oggolaado inuu u guuro Belarus.

Mr Lukashenko ayaa gacan ka geystay dhexdhexaadinta heshiiska si loo soo afjaro rabshadaha.