Hot Topics

Sidee Bulshada Daarood u aragtaa hogaaminta Deni?

Daarood guud ahaantiis,waxay ugu hirteen in uu yahay hogaamiye macno uleh xilligan muhiimka ah.

75% Bulshada Beesha Daarood,waxay muujinayaan dareen kusoo hirasho oo hogaamintiisa ah.

Bulshadu,waxay ka dugsanayaan khataraha ay dareemayaan…

1.Majeerteenku waxay u arkaan hogaamiye miisaan leh,han leh,Mayal adag oo ay ka muuqato astaamo uu lahaa hogaamiyihii ay isku raacsanayeen hogaamintiisu in ay sarraysay ee Cabdullaahi Yuusuf.

2.Dhulbahantuhu,waxuu u arkaa hogaamiye ay ka dugsan karaan weerarka SNM.

3.Marreexaanku,waxay u arkaan hogaamiye xilligan ka badbaadin kara Mijo xaabinta Damjadiid +Daljir ee ku wajahan Gedo.

4.Leelkase iyo Awrtable,waxay u arkaan hogaamiye adag oo la loolami kara soo laabashada aragtidii USC/SNA ee Daarood nacaybka.

5.Ogaadeen,waxuu u arkaa hogaamiye xilli adkaa si adag ugarab istaagay welina cid booskiisa buuxisa aysan jirin oo Xamse iyo Axmed aysan uga filnayn khataraha ku gadaaman.

Deni waa Siyaasi nasiib ku leh Siyaasada oo fursaduhu Albaabka usoo garaacaan..

1.Siyaasiyan,isagoo liicay,waxaa uhiilliyay hab dhaqanka Xasan la yimid.

2.Siyaasadii gudaha PL,isagoo ay God uga jirto,waxaa Qarxay dagaalka Sool.

3.Hogaamintiisa,iyadoo ay Dhulka taal,ayuu ku mintiday dhaqaajinta Dimuqraadiyada.

4.Ka xarig furashadiisii Aaran-shaydaan,waxay unoqotay fursad weyn oo uu ku helay taageerada Bulshada.

Isku soo wada duuboo Deni caqabado waa weyn,ayuu ka gudbay kuwana weli waa uharsan yihiin.

Jibril Qoobey.