Hot Topics

Twitter ma iska difaaci doonaa weerarka ay kusoo ekaysiisay Shirkada Meta?

Shirkadda Twitter ayaa sheegtay inay dacwad ka gudbin doonto barnaamijka cusub ee Threads oo ay leedahay shirkadda Meta.

Mulkiilaha shirkadda Meta, Mark Zukerberg,ayaa sheegay in barnaamijkani uu ‘saaxiib la yahay’ Twitter oo ay loolamaan.

Threads, oo si rasmi ah loo soo bandhigay Arbacadii ayaa waxaa iska diiwaan geliyay in ka badan 30-Milyan oo Qof.

Mulkiilaha twitter, Elon Mask ayaa yiri “in la tartamo waa wax iska caadi ah balse khiyaanada lama ogola”.

Muddooyinkii u danbeeyay waxaa muuqatay inuu xifaaltan u dhaxeeyay Labada Nin ee iska leh Labada shirkadood ee Meta iyo Twitter Mark Zuckerberg iyo Elon Musk.

Arinta wel-welka ku abuurtay Mulkiilaha Twitter,waa in Barnaamijka Threads ay leedahay Shirkada META oo haysata Macaamiisha isticmaasha Baraha Bulshada kuwa badan ee gaaraya 2-Bilyan oo Qof.

Twitter,ayaa,waxaa isticmaala 339-Milyan oo Qof,taasoo udhiganta inta isticmaasha oo kaliya Barnaamijka Instragram oo ay leedahay Meta.

Walwalka Elon,waa in Barnaamijkan cusub si fufud suuqa ugu qabsan karo Twitter oo uusan ubaahnayn suuq gelin cusub.

Elon Musk,waxaa si weyn loogu dhaleeceeyay go’aammo isdaba joog ahaa oo uu kusoo rogay Macaamiisha isticmaaasha Twitter.

Haatan warbaa galay,waxaana Hawada si fudud usoo galay Barnaamij loolan ku ah Twitter,kaasoo durba helay isticmaallayaal aad ubadan.