Hot Topics

Muxuu yahay qorshaha Villa Somaliya maalgelinayso Ee lagu kala qaybinayo reer Sool?

Villa-da oo fulinaysa qorshaha badbaadinta Muuse Biixi,ayaa Timacadde u xilsaartay fulinta kala jabinta Dhulbahante,waxaana laystusay in Jaamac Siyaad la kasbado oo haday Shalay Hargaysa Siyaasiyiintoodu ku xirnaayeen Maanta si dadban Xamar loosoo marsiiyo.

Aragtida laystusay,waa in Maxamuud Garaad dego Sadexda Degmo ee Dhulbahante sida gaarka ugu leeyahay Sool,sidaa daraadeed Ugaaryahan 80% ay ka fog yihiin xiriirka SNM marka ay khasab tahay in Jaamac Siyaad lahelo markale,hadii ay awal toos ugu jireen Gacanta Hargaysa hada loo maro Gacanta Villa Somaliya.

Aragtidaas,waxay u arkaan isbahaysiga Xasan,Geelle iyo Muuse in ay keenayso kala jab Dhulbahante oo waliba Faarax Garaad banaanka ka dhigayso difaaca LC.

Ilaahay mahadii qorshahaas,waa fashilmay,waxaase haray oo khatarteeda leh in Raga fulinaya ay toos usoo bareeraan oo ay ku dhawaaqaan LC in ay tahay magaalo JS,taasoo kaanaysa Qarax weyn.

Jibril Qoobey.