Maxaa kasoo bixi doona Kulanka Xasan iyo Madaxdii hore?

Kulanka Xasan Shiikh iyo Siyaasiyiintii hore ee Wadanka masuuliyadaha kala duwan kasoo qabtay,waxay ubadan tahay in aysan waxba kasoo bixin.

Kulankan in uu yimaado,waxaa suurageliyay Sh.Shariif oo ku adkaystay markii uu Xasan la kulmay qabsoomida kulan balaaran oo Qaran.

Xasan hal ujeedo,ayuu dhankiisa ka leeyahay kulankan,kaasoo ah..

1.In uu isku muujiyo Nin Dimuqraadiya,wax dhagaysta,aqbalsan mucaaradada.

Balse midabkiisa dhabta ah,waa ka badalan yahay kaas oo tiisu meel ayay utaal,Odayaashana waa dhagaysanayaa una joojin mahayo.

Dhawr arimood,ayaa xiraya Xasan oo uusan ka boodi karin…

B.DG uu siiyay mudo kororsiga kama daba tagi karo oo dagaal lama geli karo,isagoo awalba PL ka maqnayd.

T.Odoyaashan haduu qaato soo jeedintooda waxay noqonaysaa in Siyaasada looga adkaaday oo waliba Shariif yahay Madaxweynaha Wadanka.

J.Danihiisa gaarka ah oo aan la jaanqaadi karin,talooyinka ka imaanaya Odoyaashan.

Sida la filayo kulanku,waxuu yeelan doonaa Waji Labaad oo loo ballamo ayna ubadnaan doonto in uusan qabsoomin.

Odayaashu Caawa waa sii shireen ka hor shirka beri furmaya.

Jibril Qoobey.