Hot Topics

Maxaa looga xaajooday Shirka Golaha Wasiirada PL?

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, oo uu weheliyo Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa Shir-guddoomiyey Shirka Golaha Wasiirada oo todobaadkan looga hadlay Amniga, Warbixinta dhacdooyinka todobaadka, Dakhliga Dowladda , Xeerka iyo Siyaasadda Sumadaha Ganacsiga iyo qodobo kale.

Golaha ayaa ka hadlay u diyaargarowga xuska 1-da August, Sanad guurada 25-aad ee kasoo wareegatay markii la aasaasay Dowladda Puntland, Iyadoo loo saaray Guddi howshaasi ka shaqeeya.

DHAMMAAD

XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.