Hot Topics

Shirkii Xasan Ee Muqdisho oo fashil kusoo idlaaday

Dhamaan Qodobadii uu Xasan la shir yimid,waa lagu diiday.

Cumar iyo Gaas,ayaa si adag uga hor yimid,sheegayna Dalkan in uusan gaarin in wax laga badalo,waxii horay loogu heshiiyay oo aanba fulin ilaa iyo hada.

Waxaa ku raacay Gaas iyo Cumar diidmadooda,Sh.Shariif iyo Khayre.

Xasan si rasmi ah,waxaa loogu cadeeyay in uu la laabto Qodobadan aan ka gadmayn waaqiciga Siyaasadeed ee Somaliya.

Waxa soo baxay,waa Afgobaadsi iyo Wado fur,sidaan horay usheegnayna waxba kama soo bixin Shirka oo waa lagu kala carraabay.

Majiri doono waji Labaad sida lagu sheegay Warka soo baxay.

Jibril Qoobey.