Hot Topics

Alshabaab oo Todobaad ku haya Cunaqabatayn Baydhabo

Argagixisadu,waxay Cunaqabatayn kusoo rogtay Magaalada Baydhabo.

Majiraan wax Geli kara iyo wax kasoo bixi kara,sida Shabaab ku dhawaaqeen.

Waa arin yaab keeda wadata in argagixiso awood iyo amar intaa le’eg ay kusoo rogto Xarun ay ku sugan yihiin Maamulkii iyo Madaxdii Dawlad Goboleedka.

Mudo Asbuuc kudhow,ayuu saaran yahay xayiraada argagixisadu Magaaladaas,waxaana sare ukacday Noloshii bulshada oo waxaa qaaliyoobay Raashinka iyo Shidaalkii.

Xasan iyo kooxdiisu dagaal lama gelin argagixisada,ayaa la oranan karaa oo taa badalkeeda in ay Hubeeyeen,ayaa lagu tilmaami karaa.

Sidookale waxaa muuqata in ay weli xoogan yihiin argagixisadu hadiiba ay ku dhiiradeen Baydhabo oo Magaalo weyn ah in ay go’doomiyaan.

Jibril Qoobey.