Hot Topics

Xogo sheegaya in Xasan ka tanaasulay heshiiskii Madasha oo sii xoogaysanaya

Wadadii Saxda ahayd,ayaa lagu soo laabtay oo loo maray gaynta Baarlamaanka heshiiskii Madasha aan loo dhamayn.

Gudiga Labada Aqal uqaabilsan Dastuurka,ayaa lagu wareejiyay,sidii Sharcigu qabey,kadib Kacdoonkii Xildhibaanada,waxaana laga soo laabtay Wadadii Suuqa Madow ahayd ee la damcay in la marsiiyo.

Gudigan,waxuu qiimayn doonaa in heshiiskan Qodobada ku qoran ay waafaqsan yihiin Dastuurka,kadib,waxaa la gelin doonaa Wadatashi Dalkoo idil ah,marka ugu danbaysa,waxaa loo gudbin doonaa Gudiga Dastuurka oo ubadali doona Luuqad Dastuur soona hordhigi doona Baarlamaanka si looga doodo oo ay udiidaan ama u ansixiyaan.

Balse way adag tahay heshiiskan Qodobadiisu in ay halkaa gaaraan oo waxuu ku saqiiri doonaa Gacanta Gudiga hada loo dhiibay,sababtoo ah durba,waxuu la kulmay mucaaradad xoog badan,mana jiro Wadan udiyaarsan in lawada geeyo doodiisa.

Xogaha hoose,waxay sheegayaan in Xasan ka tanaasulay heshiiskan,haatana uu ka dhoganayo Wado uu ka baxo udhiibida Gudigan oo udhiganta in uu fashilmay qorshihii Villa Somaliya.

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka