Hot Topics

Dowlada Fadaraalka oo dardargelisay qorshe Nabadeed oo ay ku badbaadinayso Muuse Biixi

Odayaashii mudo ujoogay Hargaysa in ay Muuse la kulmaan,balse lagu adkeeyay la kulankaas,ayaa Muuse uyeeray oo la kulmay.

Ujeedka la kulanka Odoyaashan ee Muuse,waa in la muujiyo waan-waan ay Dowlada Fadaraalku wado in ay socoto.

Waa qorshe ay isla og yihiin Xasan iyo Muuse oo looga jawaabayo hadalkii Garaad Jaamac laguna khaldayo Beesha Caalamka iyo Somalida.

Si gaar ah Shirka QM ee Madaxda caalamku kawada qaybgalayso dhamaadka Sanadkan,ayaa la rabaa in Xasan la shir tago oo yiraahdo,waxaa meel wanaagsan noo maraya waan-waan Nabadeed oo aan ka dhex wadno Labada dhinac.

Laba jeer,ayay QM casuntay Odoyaashan si ay uga warbixiyaan,waxa uqabsoomay,balse masoo ajiibin uyeeridaas,waxayna ahayd qorshe laysla ogaa.

Sida ay qorsheeyeen Xasan,Geelle iyo Muuse Odoyaashaas,waxay sii joogi doonaan Hargaysa ilaa Bisha Sagaalaad si loosii Lug jiido waxa lagu sheegay Waan-waanta Dowlada Fadaraalku ka dhex wado SSC iyo SNM.

Hadafkooda Guud waa baalgelin Muuse loo samaynayo.

Jibril Qoobey.