Hot Topics

Wakiillo ka kala socda Milleteriga iyo Jamhada RSF oo ku kulmaya Sacuudiga

Wakiilo ka socda Milleteriga Sudan,ayaa gaaray magaalada Jeddah ee dalka Sacuudiga si ay dib u billaabaan wadahadallada ay la leeyihiin Jabhadda Rapid Support Forces (RSF).

Wadahadaladii hore ee Jeddah oo ay fududeeyeen Sacuudi Carabiya iyo Mareykanka ayay Labadda dal hakiyeen horraantii bishii June kadib markii dhowr jeer la jebiyey xabbad-joojinta.

Sucuudiga iyo Mareykanku Wali ma aysan xaqiijin in dib loo bilaabayo wadahadalka u dhaxeeya dhinacyada isku haya Suudaan.

Dhanka kale, isku day dhexdhexaadin ah oo Masar ay bilowday Khamiistii, ayaa waxaa soo dhaweeyay militariga Sudan oo xiriir dhow la leh Masar iyo RSF.