Hot Topics

Maxaa looga xaajooday kulankii Beesha Abokor Ciise Ee Garowe ka dhacay?

Kulankii Beelweynta Abokor Ciise ee uu Shir Gudoominayay Suldaan Garaase,wuxuu daarnaa sidii looga arinsan lahaa xaaladaha kasoo cusboonaaday Garowe iyo guud ahaan Gobolka Nugaal.

Maxaa lagu dul istaagay?

1.Sadexdii Degmo ee Nugaaleed oo Doorashadii 7-da Gobol ee Puntland ka dhacday laga reebay oo lagu tilmaamay talo xumo iyo khalad dhacay.

2.Dagaalkii Garowe ka dhacay oo laysku raacay in aan la oran karin waxuu ahaa dagaal Beesha Ciise Maxamuud iyo Dowlada udhaxeeya.

3.Suldaanka oo sheegay in uu 30-Sano isagu Ciise Maxamuud isku hayay oo uu ugs Tanaasulay wax badan oo Suldaan ahaan uu Mudnaa Ama Beel ahaan Abokor Ciise ay mudnayd.

4.Suldaanka,ayaa cadeeyay in Dalka Dowlad ka jirto oo Mudo xileedkeedii Sharciga ahaa lagu jiro ayna tahay in looga danbeeyo Talada iyo Xukunka.

5.Suldaanka,ayaa hoosta ka xariiqay in Beesha Ciise Maxamuud masuuliyad gaar Puntland uga saaran aysan jirin oo ay Dadka kale ee reer Puntland ula siman yihiin.

6.Suldaanka,ayaa sheegay in dagaalka Kaliya ee Beeshu ku jirtaa uu yahay Dagaalka Laascaanood,kaasoo 800-Nin oo Abokor Ciise ah ay difaac kaga jirto.

7.Suldaanka,ayaa ugu baaqay Beesha Abokor Ciise Abaabul iyo Gurmad cusub oo Laascanood ku wajahan.

 

Jibril Qoobey.