Hot Topics

Xildhibaan cusub oo lagu dhaariyay Fadhiga Baarlamaanka PL

Fadhiga maanta,ayaa waxaa lagu dhaariyey Xildhibaan cusub Yuusuf Jaamac Yaasiin Jaamac oo bedalay Xildhibaan hore Jaamac Yaasiin Jaamac oo geeriyooday June 12, 2023, sida uu qabo Dastuurka Dawladda Puntland qodobkiisa 61-aad iyo Xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada.

Kadib soo jeedinta Guddoomiyaha Guddiga Anshaxa iyo Arrimaha Golaha Xildhibaan Axmed Jaamac Cabdulle oo Golaha ka hor akhriyey soo jeedinta ka mid noqosho ee Xildhibaan cusub Yuusuf Jaamac Yaasiin, waxaana xildhibaanka cusub dhaariyey Garsoore ka tirsan Maxkamadda sare.