Hot Topics

Wax-ka-bedelka Xeerka Ilaalinta iyo Maareynta Deegaanka oo laga dooday

Garoowe: July 17, 2023: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Cabdirashid Yusuf Jibril Cawl oo uu wehliyo Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad Mudane, Ismaaciil Maxamed Warsame, ayaa maanta Shir-guddoomiyey fadhiga 12-aad ee Kalfadhiga 52-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.

Fadhiga maanta,ayaa qorshe hawleedku ahaa ka shaqeynta Wax-ka-bedelka Xeerka Ilaalinta iyo Maareynta Deegaanka oo ay xukuumaddu soo gudbisey.

Ugu horeyn Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ayaa hadalka siiyey Guddiga Arrimaha Deegaanka iyo Khayraadka Dabiiciga Golaha Wakiillada kaas oo akhriska 2aad ku sameeyay, kadib la tashiyo uu la yeeshay dhammaan dhinacyada xeerka saameynta ku leeyahay.

Akhrinta 3aad ee xeerka kadib waxaa Goluhu uu guda galay qodob-qodob uga doodista & wax-ka-bedelkiisa.

Wax-ka-bedelka Xeerka Ilaalinta iyo Maareynta Deegaanka ayaa si faah-faahsan uga hadlaya Arrimaha Deegaanka guud ahaan, waxayna doodiisa socon doontaa maalmaha soo socda.

DHAMMAAD

Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta,
Golaha Wakiillada Dawladda Puntland