Hot Topics

Faallo:-Xeer Daarood ma lagu dhiqi karaa Dowladnimo?

Sida ay kusii siqayso,waxaa PL nidaamkiisu kasii gudbayaa mid ka mid ah caqabadaha hor taagnaa,kaasoo ah Oday Dhaqameed.

Kala qaybsanaanta ay muujiyeen Dhaqanku,waxay fududaynaysaa in ay yaraato caqabadooda.

PL waxay ugudbaysaa in Xeerarka nidaam ee dhigan ay noqdaan waxa layskula laabto ee lagu kala baxo,halkii ay ka ahaan lahaayeen Oday Dhaqan oo leh aragti,rabitaan iyo dan ugaar ah.

Odoyaasha Dhaqanku xilli la burburay oo Somalidu ay dib ugu laabatay bilowgii Noloshooda halkii ay kasoo askuntay ayay wax badbaadsheen.

Balse saakay oo uu noo dhisan yahay Maamul qaangaaray in aan weli daba haysano Xeer Dhaqmeed oo Xeer Dowladeedkeena uu ka xoog badnaado waa Ceeb iyo horusocod xumo.

Caqabada Dhaqanka hadaan ka gudubno Saakay,waxaa noo haraya midka Ciidamo Beeleedyada.

Waa in aan ku kala baxnaa hay’adaheena Sharciga oo ay ugu horeeyaan Garsoorka iyo Baarlamaanka.

Aduunka casriga ah Xeer Dhaqameed laguma hago Dowladnimo.

Waxa kaliya ee uu naga anfacayo Maanta Xeer Dhaqameedku,waa in Ummadaha kale ay ogaadaan in aan ahayn Ummad soo jireen leh oo lahayd Xeerar ay ku kala baxaan.

Jibril Qoobey.