Hot Topics

Gulufka Xasan Ee xilligan malooga adkaan karaa AlShabaab?

Alshabaab way adag tahay in laga adkaado,sababahan awgood…..

1.Majiro Ciidan Qaran oo lagula dagaallamo.
2.Majiro Dhaqaale lagula diriro.
3.Majiro qorshe Qaran oo lagula tacaallo.

Beel iskeed isku abaabushay oo Shabaab iska dhicin karta,waxaa ka jirta Koonfurta iyo Bartamaha Beesha Xawaadle.

Abgaal Maleeshiyaadkoodii ilaa iyo hada way ka gaari waayeen guul la taaban karo Alshabaab.

Habar-gidir wax badan iskugumaba dayin oo waxaa lagu tilmaamaa in Labada dhinacba ay Talyayaasha Ciidamada ka yihiin.

Murursade,waa la Siyaasadeeyay Maleeshiyaadkoodii.

Daarood iyo Raxanweyn dagaalka lagama qaybgelin.

Haatan Shabaab waxay go’doomiyeen Baydhabo,waxayna meel ujirta 1-km ugu yeereen Ganacsatadii iyo Macallimiintii,waxayna usheegeen in ay Canshuur ka bixiyaan Mushahaarkooda iyo Ganacsigooda.

Sidoo kale hawlgalo ayay ka fuliyeen Kaxda iyo Dayniile,waxaana laga cabsiqabaa in ay Ciidan ahaan kusoo weeraraan Muqdisho,sababtoo ah Ciidamadii hareeraheeda fadhiyay oo loo qaaday Gobollada kale.

Jibril Qoobey.