Hot Topics

Isfahan hordhac ah oo laga gaaray kulankii Isimada iyo Madaxweyne Deni

Is faham,ayaa lagu gaaray kulankii Labada isim iyo Madaxwene Deni,sida xoguhu sheegayaan.

Qodobada laysla fahmay?

Doorashada Puntland in la dhamaystiro mida Dawlada hoose,Baarlamaanka iyo Madaxtooyada,ayaa laysla qaatay.

Wax kabadalka Dastuurka ayay isla qaateen Isimada iyo Madaxweynuhu in loo daayo Baarlamaanka kulankiisa.

Xisbiyada,ayaa laysla qaatay in ay noqdaan kuwa furan oo aan xadidnayn.

Mudo xileedka Madaxweynaha is faham,ayaa laga gaaray,walow aanan helin faah faahin nooca uu noqonayo.

Waxaa jira arimo Dawladu ka tanaasushay oo aan cadayn.

Waxaa laysla qaatay in Madaxweyne ku-xigeenka iyo Gudoonka Baarlamaanka kulanka lala sugo ka hor inta aan bulshada lala wadaagin.

Xogahan,waa hordhac,waxna,waa iska badali karaan.

Jibril Qoobey.