Hot Topics

Maku haboon tahay Ciidamada Atmis xiligan in laga saaro Somaliya?

Bixitaanka la qorsheeyay ee Ciidamada Atmis,waxay fursad unoqonaysaa argagixisada.

Qiimayntii ugu danbaysay ee la sameeyay,waxaa lagu ogaaday in ay argagixisadu la wareegi karto Bartamaha iyo Koonfurta Dalka Magaalooyinka ku yaal marka laga reebo Beledweyne.

Maxaa dhacay?

Mabdi’iyan in Ciidamada Atmis baxaan,waa umuhiim Dalka,sababtoo ah,waxay hor taagan yihiin Dhismihii Ciidanka Qaranka.

Dhaqaalihii,tababaradii iyo Qalabkii Ciidanka Somalidu heli lahaayeen,waxaa qaata Atmis.

Balse Hal Qodob oo ay Dowladu khaladay,ayaa dhibka keenay,kaasoo ah in aysan jirin Siyaasad amni Qaran oo hawlgalka ka horraysay.

Waxay ahayd in Dowlada Dhexe iyo DG isku yimaadaan,iyagoo midaysan,kadibna ay wada sameeyaan Siyaasad amni.

Waxaase dhacday in Dowladii Dhexe qorshe la’aan duushay,iyadoo ku hawlgashay Maleeshiyaad Hal Beel ubadan oo aan haysan Qalab iyo tababar ku filan.

Atmis intaan la saarin,waa in lasameeyaa Siyaasad Amni Qaran oo dhasha Ciidan Qaran oo laga wada qoro Dalka,isla markaana tababarkoodu kawada bilowdo 54-Aad ilaa Kismaayo.

Maleeshiyaad Beeleedka Dowladu hada haysato kuma filna la wareegida Saldhigyada Ciidamada Atmis ka baxayaan oo waxaa lagu heshiiyay Halkii Askari oo Atmis ah in ay badali karaan 3-kuwa Somalida ah,taasoo ka dhigan 20-ka kun Atmis ee jooga 50% Wadanka in ay buuxin karaan booskooda 60-kun oo Askar Somali ah.

Jibril Qoobey.