Hot Topics

Ugu danbayn Netanyahu oo helay casuumada Aqalka-cad

Marti-qaadkan,ayaa loo fidiyey ra’iisal wasaaraha ,maalin ka hor booqashoo uu madaxweynaha Israa’iil Isaac Herzog ku tegayo Washington.

Biden,ayaa marar kala duwan ku gacan-saydhay inuu marti-qaad u fidiyo ra’iisal wasaaraha Israa’iil.

Arrimaha ay isku maandhaafeen Maraykanka iyo xukuumadda garabka midig ee Israa’iil ayaa khuseeya, qulqulatooyinka ka jira daanta galbeed, iyo weliba tallaabooyinka ay qaaday xukuumadda Israa’eel ee ku aaddan deegaamaynta iyo hadalada xanafta leh ee ka soo yeedhay xubno ka mida golaha wasiirada ee Netanyahu.

Masuuliyiin Maraykanka ah oo uu ku jiro xoghayaha difaaca Lloyd Austin ayaa dhaleeceeyey.

Netanyahu iyo Biden ayaa la filayaa inay soo saaraan bayaan wada-jir ah oo ku saabsan arrimaha ay kaga wada hadleen isgaadhsiinta telefoonka.