Hot Topics

Video:-Erdogan iyo MBS oo kala saxiixday heshiis

Safarka Erdogan ee dalalka Khaliijka ayaa ku soo beegmaya iyadoo Turkey ay la daalaa dhacayso burburka Lacagta iyo Sicir-barar saameeyay dhaqaalaheeda.

Shirkad Turkish ah,ayaa Sacuudi Carabiya siin doonta diyaaradaha aan duuliyaha laheyn (Drone), waxaa sidaas shaacisay Riyadh kadib booqasho uu madaxweynaha Turkey Recep Tayyip Erdogan ku tegay boqortooyada.

Dhowr qandaraas, oo uu ku jiro heshiiska Drone-ka ee lala galay shirkadda gaarka loo leeyahay ee Baykar, ayaa la saxiixay intii uu socday kulan dhex maray Erdogan iyo dhaxal-sugaha Sacuudiga Mohammed bin Salman oo Isniintii ka dhacay magaalada ku teedsan Badda Cas ee Jeddah, waxaa sidaas sheegtay wakaaladda wararka rasmiga ah ee Saudi Press Agency (SPA).

Haluk Bayraktar, oo ah madaxa shirkadda soo saarta drone-ka ee sidoo kale uu wax ka maamulo wiil uu sodog u yahay Erdogan, ayaa qoraal uu twitter-ka soo dhigay ugu yeeray heshiiska “qandaraaskii ugu weynaa ee dhoofinta dhanka difaaca iyo duulista ee taariikhda Jamhuuriyadda Turkey.”

Qiimaha uu ku kacayo qandaraaska weli lama shaacin.

Erdogan, oo doorashooyinkii May ku guuleystay muddo xileed kale oo shan sano ah, ayaa ku sugnaa Sacuudiga isaga oo billaabay safar uu ku marayo Khaliijka, isaga oo taageero u raadinaya dhaqaalaha sii xumaanaya ee Turkey.

Hoggaamiyaha Turkey ayaa la filayaa in goor dambe oo Talaadada maanta ah uu tego dalka Qatar.

Kadib markii ay ka qeyb-galeen madasha ganacsiga Sacuudiga iyo Turkiga ee Jeddah, Erdogan iyo Amiir Mohammed ayaa ka wada-hadlay “rajooyinka iskaashi wadajir ah,” ayey tiri SPA.

Labada hoggaamiye ayaa saxiixday heshiisyo iskaashi oo quseeya dhinacyada tamarta, maal-gashi toos ah, difaaca iyo warbaahinta, sida lagu yiri warbixinta.

 

Halkan ka daawo muuqaalka