Hot Topics

Wasiirkii Arimaha Dibada Shiinaha oo la la’a yahay mudo Sadex Todobaad ah.

Wefti sare oo ka socday Midowga Yurub oo uu la kulmi lahaa,ayaa laa baajiyay.

Sidoo kale Shirkii Aasiya oo laga sugayay,ayaan lagu arag.

Dowlada Shiinuhu,waxay mar sheegtay in uu xanuunsan yahay,balse taasi waa socon wayday.

Wararka soo baxaya,waxay haatan sheegayaan in ay isqabteen hogaamiyaha Shiinaha,sidaana lagu waayay.

Arinka laysku qabtay ayay sheegayaan,wararku kulamo qarsoonaa oo uu Maraykanka la galay.

Wasiirka la waayay,waxuu horay usoo noqday Safiirka Shiinaha ee Maraykanka ka hor intaan loo dhiibin Xaafiiskan arimaha dibada ee maareeya Siyaasada Shiinaha ee ay horyaalaan caqabadaha waa weyn.

Shiinaha,waxaa ka jira dhaqan lagu waayo Dadka ay iska hor yimaadaan hogaamiyaha sare,waxaana sidan oo kale loo waayay Ganacsato,Ciyaartooy,Aqoonyahano iyo Fanaaniin.

Balse in Wasiirkii Arimaha dibada la waayo,waxay Shiinaha dhigaysaa meel xun.

Jibril Qoobey.