Hot Topics

Maxaan kala soconaa socdaalka Erdogan Ee Khaliijka?

ABU DHABI, UNITED ARAB EMIRATES - July 19, 2023: HH Sheikh Mohamed bin Zayed Al Nahyan, President of the United Arab Emirates (R) and HE Recep Tayyip Erdogan, President of Turkiye (L) inspect a Togg car; an electrical Turkish manufactured vehicle during official reception, at Qasr Al Watan. ( Hamad Al Kaabi / UAE Presidential Court ) ---

Kadib dib udoorashadiisa Erdogan,waxuu qaatay jiho Siyaasadeed oo ka badalan tiisii hore.

Reer Galbeedka oo uu ku ad-adkaa,ayuu umuujiyay dabacsanaan iyo tanaasul.

Isbadalka Erdogan,waxaa sababay dhaqaalaha Dalkiisa oo dhulka sii galaya.

Kulan dhexmaray isaga iyo Biden,ayaa keenay in uu ka hor leexdo Sweden ku biiristeeda Natto iyo ka fogaansho uu umuujiyo Putin.

Sida ay sheegayaan falanqeeyayaasha caalamiga ah in uu ka helo maalgashi iyo heshiisyo Ganacsi Wadamada Khaliijka Maraykanka,ayaa door ku lahaa,gaar ahaan Iibsashada Diyaaradihiisa Drons-ka ee Sacuudiga.

Turkiga,waxuu la liicliicayas sicir barar daran,hoos udhac weyn oo Lacagtiisa ah iyo liicitaan dhaqaale,kuwaasoo loo sababaynayo arimo Siyaasadeed.

Haatan,waxuu soo helay $150 Bilyan oo heshiisyo iyo maalgashi ah,lamase sheegi karo in ay ku filan tahay badbaadinta dhaqaalihiisa.