Hot Topics

Muxuu ku salaysan yahay khilaafka ka dhexqarxay MBS iyo MBZ?

6-dii Bilood ee udanbeeyay maysan wada hadlin Labada hogaamiye ee MBS iyo MBZ.

Mid waa 37-jir hogaamiya Boqortooyada ugu awooda badan Caalamka Islaamka,midna waa 62-jir hogaamiya Dalka ugu furfuran Khaliijka Carabta.

Waa isbahaysi ay mideeyaan arimo muhiim ah oo ay ugu horeeyaan Diinta iyo Dhaqanka Labada Wadan.

Haatan,waxaa ka dhexqarxay khilaaf lagu tilmaamayo mid ka xoog badan kii ka dhex qarxay Sacuudiga,Imaaraadka iyo Qatar oo dhinac ahayd…

Arimaha ay isku maandhaafeen,waa Sadex Qodob oo kala ah…

1.Soo jiidashada maalgashiga Shirkadaha reer Galbeedka,Dalxiisayaasha iyo Dadka Caanka ah  oo hada Imaaraadku uyahay Saldhig,halka Sacuudigu bilaabay furfurnaan uu kusoo jiidanayo,isagoo isticmaalaya awoodaha dabacsan ee iibsashada Kooxaha Ciyaaraha Yurub iyo martigelinta Xafladaha iyo Ciyaaraha caalamiga ah.

2.Dhimista wax soosaarka Saliida oo Imaaraadku uusan ku waafaqsanayn Sacuudiga,tii udanbaysayna,waxuu ku aqbalay cadaadis Sacuudigu saaray.

3.Dagaalka Yemen oo Imaaraadku kaga duwanaaday maarayntiisa iyo sii wadidiisa Sacuudiga,iyadoo markii horeba Imaaraadku ugu jiray wiiqida Awooda Iran ee Gobolka,halka Sacuudigu isagu yahay kan bilaabay dagaalka.

Isku soo wada duuboo Sacuudiga Siyaasiyan uma wanaagsana khilaafka Imaaraadka,waxuuna luminayaa doorkiisa hogaaminta Gobolka.

 

Jibril Qoobey.