Hot Topics

Yaa ka danbeeyay Warqadii lagu fashilinayay hadalkii Garaad Jaamac?

Xasan,waxuu uyeeray 10-Xildhibaan oo kasoo jeeda Beesha Harti,waxuuna ka codsaday in ay ka daba hadlaan Garaadka.

Sideed,ayaa ku diiday oo si cad ugu tiri Garaadka kama daba hadlayno,waxaase qaatay soo jeedintii Xasan Bidhaan iyo Timo-cade.

Todobaad,ayaa Garaadka cadaadis lagu hayay ku aadan in uu ka laabto hadalkiisii,balse ugu danbayn,waxuu ku yiri “Qora Warqad,waxii ka yimaada Ceeb iyo kala jabna idinku qaada”.

Timacade iyo Bidhaan,waxay adeegsadeen koox Garaadada ka mid ah oo cadaadiska Garaadka la saartay.

Warqadii maxay dhashay?

Ciidankii safka hore ku jiray oo buuq iyo gadood galay.

Qurba-joogtii oo kala qaybsantay oo waxaa qarka usaaran in uu fashilmo Shirweyne Harti oo Maraykanka ka dhici lahaa.

Khilaafka iyo ishaynta Garaadada oo la ogaaday.

Xalku muxuu yahay?

B.In laga hortago Gadoodka Ciidanka.
T.In laga hortago Niyad jabka Qurba-joogta.
J.In Garaadada isku duubnidooda la xoojiyo.

Difaaca Sool baahida ugu weyn ee ubaahan yahay waa Midnimo.

Jibril Qoobey.