Hot Topics

Miyuu ka khaldan yahay hardanka Siyaasadeed Madaxweyne Deni?

Doorashada Madaxweynaha Dowlada Puntland wakhtigeeda,ayay ku dhacaysaa oo waa udiyaarsan tahay dhankiisa nooca lagu galayo.

Isimada,waxuu uxaqiijiyay in Doorashada ay wakhtigeeda ku qabsoomayso oo habayaraatee dib udhac uusan jirin.

Si kadis ah,ayuu usoo saari doonaa nooca Doorasho ee lagu galayo Doorashada Madaxtooyada iyo Baarlamaanka Sanadkan dabayaaqadiisa.

Ujeedkiisu,waa in aan loo diyaar garoobin oo uusan jirin Olale xilli hore bilowda iyo Siyaasi miisaan leh oo la loolami kara.

Rog-rogida Siyaasada,waxaa laysku raacsan yahay in uu aad ufahmay oo aysan ka khaldamin waayahan danbe.

Habka dagaallanka Siyaasada,waa ku sarreeyaa,waxaase dhib ka haystaa haysashada haldoorka waxtari kara.

Dabeecado shaqsiyan ah oo uu leeyahay,ayaana ka luminaya kasbashada Daka muhiimka u ah hankiisa.

Si kastooy tahay Puntland uma leh xiligan Siyaasi la mid ah oo Gaas iyo Cumar waa ma gudbayaal Siyaasadeed,Aaran waa Dullaalin aan han lahayn,Mideeye Ragga ku jira,waa Dhalinyaro khibrad usii baahan 10-ka Sano ee soo socda.

Jibril Qoobey.