Hot Topics

Deni Sadex dhaliil baa hoggaamintiisa hor taagan

Loolanka Siyaasadeed ee Wadanku waa hab Beeleed,waxaana hormuud u ah Daarood iyo Hawiye.

Xasan sida uu udhaqmay,waxay fashilisay Siyaasadii iyo Siyaasiga kasoo jeeday Beesha Hawiye.

Dalku,waxuu gaari doonaa 2026,iyadoo laga fogaaday hogaaminta Siyaasi kasoo jeeda si gaar ah Beesha Abgaal.

Waxaa fursad weyn ubanaanaan doontaa Siyaasiga Beesha Daarood,waxaana 80% la filayaa in uu ka imaan doono Madaxweynaha badali doona Xasan Shiikh.

Ninka Daarood ee loo baahan yahay Somali in uu hogaamiyo,waa in uu noqdaa…..

1.Nin dajin kara Qabyaalada Xasan karkariyay.

2.Nin masuul ah oo Hawiye iyo Dir ay ku aamini karaan amnigooda iyo dhaqaalahooda.

3.Nin musuqiisu xad leeyahay.

4.Nin qabkiisa iyo fahamkiisa qaranimo uu sareeyo.

5.Nin Daarood isku hayn kara oo matalaad leh.

Deni astaamahaas,waxuu ka leeyahay 65%,waana Ninka ugu dhow Ragga hada la tilmaamayo.

Sadex Qodob oo kale,ayaa agyaal oo loogu hakanayo,kuwaasoo kala ah…

B.In ay dhab ka tahay raadinta Kursiga Villa Somaliya.

T.In uu heli karo Dhaqaale uu ku hawlgalo.

J.In uu heli karo taageero miisaan leh oo ka danbaysa.

Balse haduusan wax ka badalin Sadex Dhaqan oo uu leeyahay,si fudud,ayuu uliminayaa fursadahaas…

B.Kasbasho la’aanta Dadka haldoorka ah

T.Haysasho la’aanta Dadka haldoorka ah.

J.Is go’doominta xad dhaafka ah.

Puntland,waxay ubaahan tahay Siyaasi miisaan leh oo 2026 ka gadmi kara,kaasina waa Isaga.

Ugu yaraan,waa in uu Kursiga kusii fadhiyaa ilaa 2026 si awooda Kursigu uga saacido Olalihiisa Doorasho.

Jibril Qoobey.