Hot Topics

Safiirka Safaarada Sweden Ee Ciraaq oo la Eryay

Safaaradda Sweden ee Ciraaq,ayaa si ku meel gaar ah howlaheeda ugu rartay magaalada Stockholm.

“Howlaha safaaradda iyo shaqaalaheeda ajaanibka ah ayaa si ku meel gaar ah loogu raray Stockholm sababo ammaan dartood,” Wasaaradda arrimaha dibadda,ayaa tiri Jimcihii.

Boqolaal Ciraaqiyiin ah, oo u badan taageerayaasha hogaamiyaha Shiicada ah ee Muqtada al-Sadr,ayaa Subaxnimadii hore ee Khamiista xoog ku galay safaaradda oo ku taal bartamaha Baqdaad,waxayna qabadsiiyeen Dab.

Dowladda Ciraaq,ayaa markii danbe si rasmi ah uceyrisay Safiirkii Sweden ee Wadankaas.