Hot Topics

Ma dhabaa in Xasan Shiikh uguurayo duleedka Dhuusamareeb?

Xasan,waxuu leeyahay,waxaan uguurayaa oo fariisin ka dhiganayaa Saldhig xoogaa Ciidan ah lagu ururshay oo ku yaal duleedka Dhuusamareeb.

Sidoo kale Xamse,ayaa fariisin looga dhigayaa caasimada Hir-shabelle ee Magaalada Jowhar.

Wasiirka Amniga,ayaa isna loo dirayaa Degmada Xarardheere.

Qorshahan,waa mid Xasan dajistay oo uu leeyahay,waxaan ku xoojinayaa dagaalka Shabaab iyo bilaabida Wajiga Labaad.

Balse Dadka la socda dagaalka Shabaab iyo xaalada amni ee B iyo K Wadanka,waxay u arkaan qorshe lagu mashquulinayo Bulshada loogana jeedinayo fashilka Dowlada.

Xasan safar diyaaradeed,ayuu ku gaaray Jowhar oo waxyar ujirta Muqdisho,isagoo Magaalada Gudaha ugeli waayay oo Garoonka Diyaaradaha kula kulmay Maamulka Gobolka iyo kan Hirshabelle,kadibna isla Diyaaradii Muqdisho dib ugu soo celisay maalmo ka hor.

Shabaab waxay go’doomintii ka qaadeen Baydhabo,kadib markii Ganacsatada iyo Macallimiinta Magaaladaas aqbaleen Canshuur ay kusoo rogeen.

Sidoo kale Shabaab,waxay hawlgalo ka fuliyeen Kaxda iyo Dayniile,waxaana laga cabsi qabaa in ay Ciidan ahaan kusoo weeraraan Muqdisho.

Beel iskeed isku abaabushay oo Shabaab iska dhicin karta,waxaa ka jirta Koonfurta iyo Bartamaha Beesha Xawaadle.

Qorshihii Atmis looga saari lahaa Dalka,ayaa qarka usaaran in uu fashilmo,markii loo waayay Ciidan Somaliyed oo badala.

Alshabaab in laga adkaado in ay adag tahay,ayay qabaan falanqeeyayaasha Siyaasada iyo Amniga Wadanka,sababahan awgood…..

1.Majiro Ciidan Qaran oo lagula dagaallamo.
2.Majiro Dhaqaale lagula diriro.
3.Majiro qorshe Qaran oo lagula tacaallo.

 

Jibril Qoobey.