Hot Topics

Maxay tahay Lacagta cusub Ee loo samaynayo Simaliya?

Lacagtii taalay Sudan ee horay Suuqa usoo gashay,waxaa lagu bililiqaystay dagaalka Khartuum qayb ka mid ah.

Lacagtaas,waxay ahayd mid loogu talagalay Somaliya oo xiligii M.Sh.Shariif,ayaa la saxiixay heshiiskeeda.

Haatan Gudi loo saaray qiimaynteeda,ayaa soo gudbiyay warbixin oranaysa in aysan rajo lahayn,isla markaana Suuqa gashay Dayn dhan $14-Milyan looga leeyahay Somaliya.

Qorshe cusub oo Somaliya Lacag loogu samaynayo,ayaa Baanka Aduunku gadaal ka riixayaa.

Samaynta Lacagtaas,waxaa lagu qiimeeyay in ay ku kacayso $80-Milyan,waxaana Somaliya laga rabaa $30-Milyan oo ka mid ah.

Ilaa iyo hada lama aqoonsana dhaqaalaha Somaliya,sababtoo ah,waxuu ku jaan go’an yahay Lacag Wadan kale,taasoo ah Dolar oo Dalku maleh Lacag Wadaniya.

Siyaasada dhaqaalaha,waa Qodob ka mid ah kuwa masiiriga ah ee horyaalla Dowlada Somaliya,balse umuuqda in ay ka gaabisay.

 

Jibril Qoobey.