Hot Topics

Faallo:-Kulanka Talyaaniga iyo Madaxda Bariga Afrika

Roma Raysalwasaaraha Itaalya,Madaxweynaha Somaliya,Madaxweyne ku-xigeenka Kenya,Raysal wasaaraha Jabuti iyo Raysal Wasaaraha Itoobiya.

Waa kulan ku saabsan iskaashi Dhaqaale oo Dalalka Bariga africa iyo Taliyaaniga udhaxeeya,waxaana Somaliya matalaad ahaan uga filnaa Ra’isalwasaaraha.

Kulankan kii ka horeeyay waxa uu ka dhacay Dalka Itoobiya.

Taliyaanigu,ayaa raba in uu soo celiyo xiriirkii uu la lahaa bulshada Geeska Africa walow uusan hada saamayn buuran oo dhaqaale iyo mid Ciidan ku lahayn Dalalkaas.

Taliyaaniga,ayaa aad udanaynaya maalgashiga..

1.Beeraha

2.Shidaalka

3.Qandaraasyada dhismaha.

Xiriirka Geeska Afrika,waxaa uga dheereeyay Dalalka Turkiga,Shinaha iyo Maraykanka,kuwaasoo saamayn dhaqaale iyo mid siyaasadeed ku leh Wadamada Bariga Afrika Maanta.

Wadamada kale,waxay udiyaarsan yihiin maalgalin,isla markaana,waxay leeyihiin Kaabayaal Dhaqaale oo waa weyn.

Balse Somaliya Mucaawino iyo heshiisyo shidaal baaritaan ,wax dhaafsiisan kama soo heli karto kulankan

Dhismayaasha Xarumaha Dowlada,Iskuulada iyo Xarumaha Caafimaadka,ayuu Talyaanigu ka caawin karaa Somaliya.

WQ.Weerarood.