Hot Topics

Maxaa kasoo kordhay Qaraxii Kuliyada Jaaliyada Siyaad?

Faah-faahin dheeri ah ayaa kasoo baxday khasaaraha nafeed ee qarax ismiidaamin ah oo saaka lala beegsaday ciidamo ka tirsan kuwa dawladda federaalka Soomaaliya.

Qaraxa ismiidaaminta ah ayaa saaka ka dhacay xerada ciidamada ee Kulliyadda Jaalle Siyaad ee degmada Hodan.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in qof isa soo miidaamiyey uu isku qarxiyey ciidanka xilli ay saf ku jireen.

Laba sarkaal oo ka tirsan laamaha amniga ayaa u sheegay VOA inay weerarkan ku dhinteen 25 ka tirsan ciidanka, in ka badan 70 kalena ay ku dhaawacmeen. 24 ka mid ah askarta dhaawacantay ayaa la sheegay in dhaawacoodu halis yahay.

Ururka al-Shabaab ayaa markiiba sheegtay mas’uuliyadda weerarka.

Ciidanka la isku qarxiyey ayaa la sheegay inay u badan yihiin kuwo ka tirsan yihiin guutada 14-ka October.

 

Xigasho:-VOA.