Hot Topics

Madaxda Dakhliga Ee Wasaarada Maaliyada Puntland oo gaaray Garacad

GARACAD- Wasiir ku-xigeen Dakhliga ee Wasaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Cali Cumar Caarshe oo u waheliyo Agaasime Guud ku-xigeenka Dakhliga Abdiqaadir Xaashi,ayaa saaka koormeer shaqo waxaa ay ku tageen Kastamka Dekada Garacad.

Koormeerka shaqo waxaa ku waheliyay Xisaabiayaha Wasaradda ee Gobolka Mudug iyo sarakiil ka tirsan Wasaaradda.

 

Xisaabiyaha Gobolka iyo Mas’uuliyiinta ka shaqeya kastamka Dekada,ayaa waftiga Wasiir ka ugu warbixiyay Cashuurista badeecadaha ay keenaan Doonyaha iyo Maraakiibtu.

Dhic kale Madaxda,ayaa kulan la qatay Maamulka Shirkada wadaagsin oo ah shirkada gacanta ku haysa dhismaha waxaana kulanka ka qayb galay la Gudoomiyaha deegaanka Garacad.

Ujeedka kulankan,ayaa ah in Madaxdu ay wax ka ogaadaan habsi socdka Shaqada dhismaha Dakada iyo dar-dar galinta , balaarinta shaqada, waxayna koormeer indho indheyn ah ku samayay qaabka ay shaqadu u socoto.

Qorshaha safarka Madaxda dakhliga ee Wasaaradda Maaliyadda,ayaa ah wax ka ogaansha habsami socodka shaqada iyo kor u qaadista Dakhliga.