Muxuu ku salaysnaa socdaalkii Garowe Ee Sacdiyo Salaad?

Ujeedka Sacdiyo Salaad ee Garowe,waxuu ahaa Laba Qodob,sida ay noo xaqiijiyeen Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Fadaraalka oo ka gaabsaday in aan soo xigano Magacyadooda….

1.Amnixumada Xamar oo Dadka laga mashquuliyo.

2.Gaarsiinta dhaqaale kooxda Aaran-shaydaan.

Balse raadgadashadu,waxay ahayd Caano shub aan jirin oo Suldaanka  Beesha Meheri lagu been abuurtay.

Dowlada Puntland oo heshay xogta socdaalkeeda,ayaa ka hor tagtay kuna khasabtay in laga reebo Diyaarada,iyada iyo Sadex Wasiir iyo Xildhibaano ka mid ahaa weftigeeda.

“Si karaamo darro ah,ayaa looga dajiyay Diyaarada,waxaana gudaha usoo gashay Diyaarada Talyaha Nabadsugida Garoonka Aadan-cade oo wadata Magaca Sacdiyo iyo Wasiirada”Ayuu noo sheegay mid ka mid ah Rakaabkii saarnaa Diyaarada.

Sidoo kale Khadar Faroole oo qayb ka ahaa weftiga Sacdiyo,ayaa uraacay diyaarad kale Dubai markii laga soo dajiyay midii Garowe,sida goobjooge noo xaqiijiyay.

Waxaa xusid mudan in safarkii ugu danbeeyay ee Sacdiyo uu dhaliyay geerida 17-Qof Garoonka diyaaradaha Bosaso ah.