Hot Topics

MADAXWEYNAHA OO SAXIIXAY WAX-KA-BADALKA 1-AAD EE DASTUURKA DOWLADDA PUNTLAND

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Sharci Lr. 02 ee 27-ka Luulyo 2023, kuna saabsan Sharciga Wax-ka-badalka 1-aad Dastuurka Dowladda Puntland.

Madaxweynaha Dowladda Puntland

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad farqadiisa 16-aad iyo Qodobka 139-aad.

Markuu arkay: Ansixinta Golaha Wakiilada Dowladda Puntland ee Summadeedu tahay XGGW/DPL/41/2022, kuna taariikhaysan 26-ka July 2023.

Wuxuu soo saaray

Sharciga soo socda:

Qodobka 1aad

Golaha Wakiiladu waxay ansixiyeen Sharciga Wax-ka-badalka 1-aad Dastuurka Dowadda Puntland.

Qodobka 2aad

Nuqulada asalka ah (Original) waxaa lagu kala kaydinayaa Xafiiska Madaxweynaha, Xafiiska Xoghayaha Guud ee Baarlamaanka iyo Xafiiska Garyaqaanka Guud ee Dowladda

Qodobka 3aad

Dhaqangal Sharcigani wuxuu noqonayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo laguna soo saaro faafinta rasmiga ah ee Dowladda Puntland, Wuuna saxiixay Madaxweynuhu, sidoo kale waxaa lagu soo saaray faafinta rasmiga ah.

-DHAMMAAD-

XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.