Hot Topics

HIRGALINTA NIDAAMKA DOORASHADA QOF IYO COD IYO WAX-KA-BEDDELKA DASTUURKA PUNTLAND

HORDHAC

Toddobo sannadood burburkii xukuumaddii militariga Siyaad Barre kaddib, dadka Reer Puntland (PL) oo ay hormuud u yihiin madax-dhaqameedka, isimmada, siyaasiyiinta, aqoonyahannada iyo bulshada qaybaheeda kala duwan waxay si wada jir leh u go’aansadeen inay dhidibbada u aasan maammul ay u dhanyihiin dadka dega shan gobol iyo degmo ay PL ka koobanayd, in kastoo haatan gobollada Puntland ay ka kooban yihiin sagaal gobol, taas oo micnaheedu yahay in lagu kordhiyey gobollo cusub kaddib PL asaaskeedii. Juhdi fara badan, dadaal dheer kaddib iyo Ilaahay Mahadii waxay ku guulaysteen dadkii hormuudka u ahaa dhismaha Puntland in ay dhisaan Dowladda Puntland, Agoosto 1-dii, 1998kii. Bulshada Reer PL waxay maalintaa u ahayd haatanna u tahay dharaar qiimo iyo qaayo leh, waa maalintii la aasaasay dawlad-goboleeddii ugu horreeysey ee xubin ka noqota dowladda federaalka.

Ujeedka iyo hadafka guud ee Puntland, HOOYADA FEDERAALKA, loo asaasay ayaa ahaa in la helo:

1. Nabadgelyo, kala–dambeeyn, nidaam iyo xasillooni;
2. Dib-u-soo-noolaynta dawladnimadii Soomaaliyeed;
3. Difaaca dalka iyo adkeeynta midnimada ummadda Soomaaliyeed.

Saddexdaas qodob oo kor ku xusan ayaa ahaa qodobbadii bud-dhiga u ahaa asaaska dawladda PL.

MAXAA INTA PUNTLAND AY JIRTEY U QABSOOMAY?

Teer iyo intii PL la aasaasay, waxay ku tillaabsatay horumar ballaadhan, in kastoo ay dadaalkeeda intaas ka sii badin kartay. Tusaale, PL wax yar ka hor burburkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya, waxaa loo yiqiin “GAADHI-WAA’’ taas oo loola jeedey dhul aan la gaadhi karin, maddaama aysan jirin waddooyin laami ah oo gobollada waddanka isku xidha. Sidoo kale waxaa jirtey in Dekedda Boosaaso oo dabayaaqadii siddeetameeyada la dhisey taas oo aan ahayn deked weyn oo wax walba u dhan yihiin balse Alle ku soo samatabbixiyey dadka Reer PL iyo Soomaalida kaleba. Kowda horeba hadafka guud oo PL loo asaasay wuxuu ahaa amni lagu kalsoon yahay in la helo. Amni in la helana waxaa udubdhexaad u ah in la helo ciidammada noocyadooda kala duwan, taana PL, Ilaahay Mahaddii, way ku guulaysatay. Waxay PL 25kii sannadood ee la soo dhaafay noqotay deegaan amni iyo xasillooni balaadhani ka jirto.

Maanta PL waxay leedahay Jaamacado tiro badan, iskuullo hoose, dhexe iyo sare oo tira beel ah. Waxay sidoo kale leedahay isbitaallo badan oo heer gobol iyo Degmo ah, iwm. Puntland inta ay jirtey waxay shacabka iyo dowladda oo iskaashanayaa ku guulaysteen in ay dhisaan dekado, madaarro (airport), waddooyin, iwm. PL waa dowlad goboleedka qudha ee leh manhaj dhammeeystiran oo u gaar ah, waxaana xusid mudan in manhajka PL uu saldhig u ahaa dib-u-dejinta iyo soo-nooleeynta manhajka cusub ee waxbarashada Soomaaliya.

Dowladda PL iyo shacabkeeduba waxay hormuud ka noqdeen geeddi-socodka dib loogu hirgeliyey dowladnimada Soomaaliya waxayna maal iyo maskax ku bixiyeen dowladdii KMG ahayd ee Federaalka sidii ay dib magaalammadaxda Soomaaliya uga hawlgeli lahayd 14 sannadood ka dib markii 1991kii dowladdii dhexe meesha ka baxday. Keliya Dowladda PL kuma ekaan ka qaybqaadashada dib u yagleedlida Dowladda Federalka ee sidoo kale waxay gacan weyn ka geeysatay amniga, dhaqaalaha dalka, dhismaha dowladaha xubnaha ka ah dowladda federaalka iyo sidoo kale hirgelinta iyo dib u eegista dastuurka ku-meel-gaarka ah, iwm.

XAGGEE BAY MAANTA PUNTLAND JOOGTAA?

Puntland 25-Sannadood ee ay jirtey waxay madaxda matalaysa ku soo dooran jireen 66 xubnood oo kala matalaya reeraha PL dega.

Tan iyo aasaaskii Dowladnimada Puntland ee 1998kii, dadweynaha reer PL waxay ku taamayeen doorasho qof iyo cod ah si ay u go’aamiyaan masiirkooda iyo jiritaankooda. Axdi-qarameedkii lagu aasaasay dawladda PL ee Soomaaliyeed wuxuu bulshada reer PL farayay in ay hannaanka qof iyo cod ku soo doortaan madaxda matalaya, kulana xisaabtamaan. In kasta oo axdi qarameedku farayay in la diyaariyo nidaam asxaab badan oo doorasho qof iyo cod ah haddana caqabado jirey awgood, laguma guuleysan doorasho hal qof iyo cod ah in ay PL ka qabsoonto ka hor Doorashooyinka Goleyaasha Deegaanka ee ka qabsoomay PL 25-kii May 2023.

Maanta Puntland waxay maraysaa markii u horreysey in doorasho qof iyo cod ah dadweynaheedu ku soo doortaan xubnaha golaha deegaanka. Waxay Dowladda PL qorsheeynaysaa in ay qabato 25-sanno ka dib dhismihii doorashada qof iyo cod ah oo lagu soo dooranayo Golaha Wakiillada, Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka PL ka dib 25/07/2023 markii Xildhibaannada PL ay fureen Dastuurka Dawladda Puntland ee Soomaaliya, cod gacan taag ahna ay ku ansixiyeen in Dastuurka Puntland 10-Qodob oo ka mid ah laga beddelo. Tan ayaa fursad weyn u ahayd dadweynaha Reer PL iyo waliba Xisbi siyaasadeedyada Puntland qaar ka mid ah oo aan ku qanacsanayn markii hore in Puntland yeelato 3 xisbi siyaasadeed oo kaliya. Hadda waxaa la isla qaatay oo la ansixiyey in ay PL yeelato sagaal urur siyaasadeed.

FAA’IDOOYINKA NIDAAMKA XISBIYADA BADAN

Guud ahaan, dalalka ay ka jiraan nidaamka xisbiyada badan waa ka horumarsan yihiin kuwa xisbiyo koobaan ka jiraan ama aanu ka jirin. Inta badan dadka u dhuun daloola siyaasadda iyo awood qaybsiga siyaasadeed ee PL waxay isku raacsan yihiin nidaamka xisbiyada badan oo fududeeynaya hannanka qof iyo cod, shacabka PL inuu yahay mid fursad weyn u ah muwaaddin walba oo raba in uu qayb ka noqdo geedi-socodka dimuqraadiyadda iyo maammul wanaagga PL.

Faa’idooyinka nidaamka xisbiyada badan waxaa ka mid ah:
• Ciddhibtirka ama yareeynta musuqmaasuqa iyo laaluushka;
• Inuu qof walba si madax bannaan u soo xusho qofka uu rabo inuu dowladda ku matalo;
• Nidaamka xisbiyada badan wuxuu xakamadeeynayaa haddii nidaam sax ah loo maro keli-talisnimada xukuumadda hadba talada haysa;
• Waxaa fursad helaya dadka aan rabin in ay bixiyaan laaluush, haweenka, kuwa laga tirada badan yahay iyo kuwa aan haysan dhaqaale badan;
• Muwaaddinka codkiisa dhiibtaa wuxuu dareemayaa inuu dowladda wax ku leeyahay maddaama uu isagu gacantiisa ku soo doortay qofka siyaasadda ku metalaya, tannina waxay dhiirragelinaysaa isla xisaabtanka danta guud ee ummadda ka wada dhexeysa iyo tan gaarka ah sida in muwaaddin walba uu helo adeegyada, daryeelka iyo baahiyada bulshada qaybaheeda kala duwan iyadoo aan loo eegin haybtiisa iyo wax yaalo kale;
• Nidaamkaani wuxuu siyaasiinta ku khasbayaa in ay mar walba u adeegaan danta shacabka ay berrito codka ka doonayaan;
• Nidaamka xisbiyada badan wuxuu sidoo kale abuuri karaa deggennaansho siyaasadeed iyo isla xisaabtan dhab ah haddii si sax ah loogu dhaqmo oo aan la garab marin;
• Wuxuu qayb weyn ka qaadan karaa kobcinta dhaqaale iyo horumarka bulshada;
• Wuxuu u sahli karaa in la noqdo tala-wadaag iyo in si dhab ah la isula xisaabtamo taas oo fududeeyn karta ilaalinta iyo xoojinta madax bannaanida garsoorka, ilaalinta dowladnimada, sharciga iyo kala dambeeynta;
• Waxaa ku yaraanaysa eexda, qabyaaladda iyo caddaaladdarrada bulshada dhexdeeda iska tabanayso.

GEBAGGABO IYO GUNAANAD

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa afartii sano iyo badhkii ee la soo dhaafay hoggaanka PL majaraha u hayay. Wuxuu dadaal dheer ku bixiyey meel marinta dhismaha maxkamadda dastuuriga ah, Maxkamadda Sare ee Dowladda Puntland iyo sidoo kale in doorasho qof iyo cod ah ka qabsoonto PL. Qodobbadan oo ahaa qodobbo dastuuri ah oo la gaadhay 1998kii ayuu ugu dambeeyntii Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, wuxuuna noqday Hoggamiye jebiyey gidaarkii baqdintii laga qabay in doorasho qof iyo cod ah PL ka dhacdo. In kastoo wali aysan doorashadii madaxweynaha, ku-xigeenka madaxweynaha iyo golaha wakiilladu dhicin misna hadda wali waxay dowladdu haysataa fursad fiican oo ay inta qabyada ah ku dhammeeystiri karto.

Dadweynaha Reer Puntland ayaa aad u soo dhoweeyey nidaamka cusub in loo guuro oo laga guuro nidaamkii ay oday dhaqameedku qabiil ku soo xulayeen golaha wakiilada/xildhibaannada.

Daladda qurbajoogta Puntland ee Yurub (PEDAN) ayaa dadweynaha Reer PL u diraysa hambalyo, bogaadin & dardaaran ku aaddan doorashada qof & Codka ah. PEDAN waxay ka shaqeeysaa horumarinta caafimaadka, waxbarashada, nabadeeynta, deegaameeynta, is-dhexgalka iyo horumarka bulshada, gaar ahaan kuwa Reer PL. Waxaa farxad weyn noo ah in dadweynaha Reer PL ay maanta xaqiiqsadeen oo ay u rumoowday riyadii ay ku taamayeen 25kii sannadood ee la soo dhaafay. Doorashadan qof iyo codka ah ee Puntland ayaa meesha ka saari karta guud ahaan cabsidii ummadda Soomaaliyeed ka qabeen in xilligaan adag ay dalka ka suuroobi karto hirgelinta nidaamka xisbiyada badan si nabadgelyo ah.

Alle ka sokoow, waxaa mudan in loo mahadceliyo Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ku xigeenkiisa Axmed Cilmi Cismaan “Axmed Karaash”, Guddoomiyaha Baarlamaanka PL Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, iyo dhammaan xildhibaannada Barlamaanka PL. Waxaan kale oon bogaadinayaa dadaalka isku dhafka ah oo ay sida wada-jirka u muujiyeen Guddiga ku-meel-gaarka ah ee doorashooyinka Puntland (TPEC), Ururrada Siyaasada, ciidammada iyo shacabweynaha Reer PL.

Reer Puntland dal iyo dibed, waxaan ugu baaqaynnaa in dowladdooda garab istaagaan oo laga wada shaqeeyo si nabad ah sidii doorashada inta hadhay lagu dhameeystiri lahaa ka hor muddo xileedka dowladda uu hoggaaminayo Mudane Siciid Cabdullaahi Deni. Waxaan kaloo dadweynaha Reer PL ugu baaqaynnaa in ay nabadda iyo midnimada ilaashadaan.

Ugu dambeeyntii, waxaannu rajeynaynnaa in Soomaalida inteeda kale ay ka faa’ideysataan horseedka dimoqraadiyadda ee Puntland ku tillaabsatay.

Daladda PEDAN