Hot Topics

Beesha Harti oo Cudud Ciidan iyo mid Hub iskugu geysay Laascaanood

Ku dhawaad 700 oo Gawaarida dagaalka ah oo ay ku jiraan Todobo Taangi iyo Sadex BM,ayaa Caawa Laascaanood hareeraheeda difaac uga jira.

Sidoo kale ku dhawaad 10,000-Askari,ayaa heegan ku ah Fariisimo ku teedsan Laascaanood.

Beesha Harti ee difaacanaysa Dhulkeeda,waxay muujisay awood ka dhex muuqatay Geeska Afrika.

Laascaanood,waxay utahay Beesha Harti muhiim oo in looga adkaado difaaceeda,waxay uga dhigan tahay Siyaasadii iyo amaankii Geeska oo looga itaalroonaaday.

Dagaalkaan waa dagaalkii ugu baaxada weynaa,Taariikhda Somalida inta la ogyahey, marka laga fiirsho…

Dhanka Tirada Ciidamada.
Dhanka Militariga
Dhanka Machines ka.
Dhanka Qaddiyadda lagu dagaalamayo.
Dhanka Cadaawadda iyo naceybka uu abuurey.
Dhanka ka qayb galka.
Dhanka baaxadda saameynta

Isku dar waxaa Laascaanood ku diriraya in ka badan 20,000 ilaa 25,000 oo Ciidan ah iyo in ka badan 2000-Tikniko ah.

Sida muuqata Somaliya masii ahaan doonto Qaran mid ah ee waxay uguuri doontaa Qaramo yar-yar mustaqbalka dhow,waana halka uu salka ku hayo hardanka socda.

 

Halkan ka daawo muuqaalka

Jibril Qoobey.